Shirka looga hadlayay xaalada Beledweyne oo lasoo gabo gabeeyay.

3

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa lagu soo gabagabeeyay shir u dhaweeyay Wasiirka arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumada Soomaaliya Jen, Mukhtara Xussen Afrax, Xildhibaanao, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha dhaqanka besha Xawaadlle ee Beledweyne ku sugan.

Odayaasha dhaqanka ayaa shirkaan warbixin ugu dhageestay Xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad, Siyaasiyiinta iyo wasiirka arimaha gudaha kuwaas oo doonaya in la dhameeyo tabashada laga qabo dhismaha labaad ee maamulka Hirshabeelle isla markaana Beledweyne la keeno Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe, inkastoo uu qaatay Saacado shirka.

Dhinacyada ayaa si adag u dooday intaa kadib waxaa shirka kasoo baxay labo qodob, kaas oo isku fahmeen xildhibaanada, Siyaasiyiinta iyo wasiir mukhtara

1. In Beledweyne si shuruud la’aan ah lagu keeno Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe kaddibna miiska loo saaro tabashada laga qabo dhismaha Hirshabelle iyo xuquuqdka besha kaga maqan Hirshabelle.

2. Haddii aay taasi dhici weeyso in Odayaasha ay iska soo saaraan guddi kuwaas oo lagu biirinayo guddi Siyaasiyiin ah isla markaana tagaya Jowhar kaddibna madaxweyne Cali Guudlaawe kala hadli doona tabasha jirta si xaaldda taagan looga gudbo.

Intaasi kadib Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in talada ugu dambeeysa ay dib ugu laabanayaan Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan kaddibne aay go’aan kama dambeen ah soo gaari doonaan.

Gaba gabadii labada dhinac ayaa ku balamay in kulamo kale la isugu yimaado si ugu dambeyn xal loogu helo tabasha bulshada reer Hiiraan ay ka qabaan mamaulka hirshabelle tan iyo markii la dhisay mamaulka labaad.