Agaasimaha CIA Mareykanka oo la kulmay hogaamiya Taaliban.

3

Wargeyska Washington Post ayaa ku waramaya in agaasimaha laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA William Burns uu Isniintii kulan qarsoodi ah Kabul kula yeeshay hogaamiyaha Taalibaan Cabdul Ghani Baradar.

Wargeysku waxaa uu sheegay sida laga soo xigtay saraakiil Mareykan ah oo codsaday in magacooda aan la shaacin, in labada dhinac ay ka wada -hadalleenarrimo ay ka mid ahaayeen waqtiga kama dambeysta ee ka bxitaan Mareykanka ee dalka Afqaanistaan oo ku beegan 31 -ka August.

Saraakiisha laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa diiday in ay arrintan ka hadlaan.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli shirka wadamadaG-7 ay hogaamiyayaasha ku cadaadinayaan madxwayne Joe Biden in uu dib u dhigo waqtiga ka bixitaanka ciidamada mareykanka ee dalka Afqaanistaan.

Xigasho:-BBC