Ciidamo ka soo horjeeda Hirshabelle oo caawa la wareegay qeybo ka mid ah Baladweyne

14

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledwayne ee xaruunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qeybo kamid ah magaalada ay ka wareegeen ciidamo ka soo hor-jeeda maamulka Hirshabeelle.

Ciidamadan oo ka tirsan Militeriga gaar ahaan guutada 5-aad ee gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in ay qabsadeen xerada Lama-galaay oo lagu waday in uu ku soo dago Madaxweynaha Hirshabeelle.

Askarta la wareegtay xirada ayaa waxaa hoggaaminaya sarkaal lagu magacaabo Cabdullahi Barre oo ah Abaanduula Ciidanka Guutada 5aad ee ciidamada Militeriga.

Warar soo baxaya saacadihii u dambeeyay ayaa tilmaamayay in madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe uu booqasho ku tegi doono magaalada Beledwayne, iyadoo dhowr jeer oo hore laga hor-istaagay.