Shirkii gollaha wadatashiga qaranka oo shir guddoon ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble islamarkaana ay kasoo qeyb galeen dhammaan madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, Hir-shabeelle, Koofur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland ayaa lasoo gabagabeeyay wajigiisa koowaad maanta.
Shirkaan oo ka dhacay xerada Afisyooni ayaa waxaa looga hadlay ajendayaashii shirka, iyadoo lisla qaatay sidii looga doodi lahaa qodobadaas sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.
Shirka ayaa socon doono maalmo aan la cayimin, waxaa looga arrinsan doono sidii hore loogu sii socon lahaa, dhameystarka aqalka sare oo ay dowlad goboleedyada qaar ku dhiman yihiin xubnaha musharixiinta, halka kuwana ay soo dhameestireen, iyo sidii loo raadin lahaa lacagaha aan wali la helin ee lagu qaban lahaa doorashooyinka dalka.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku ammaanay dowlad goboleedyada soo dhameystiray xubnaha aqalka sare sidii ay u illaaliyeen qoondada Haweenka, isagoo sidookale ugu baaqay in tii aqalka sare si lamid ah ay dowlad goboleedyada u illaaliyeen doorashada aqalka hoose qoondada haweenka oo ah 30% kiiba sidaa waxaa yiri Afhayeenka Xukuumadda oo ka warbixinayay shirka gollaha wadatashiga qaran.