Itoobiya oo lagu eedeeyay inay diiday gargaar la geeyo gobolka Tigreega oo dagaal ka socdo.

9

Hay’adda kaalmeynta caalamiga ah ee Maraykanka laga leeyahay ayaa ku eedeysay dawlada Itoobiya inay si ula kac u hor istaagtay gargaar loogu talo galay in la geeyo gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya ku yaala.

War ay soo saartay hay’adda USAID ayay ku sheegtay in ciidamada dawlada ay diideen in gobolka Tigreega u gudbaan gaadiid gargaar waday kaasoo loogu talay kumanaan qof oo dhibaataysan

Warkaan kasoo baxay hay’adaan fadhigeedu yahay Maraykanka waxay sheegtay in ciidamada Itoobiya ay ka biyo diideen in gaadiidku tago goobaha ay joogaan dadka dagaalka ku barakacay taasoo xaaladda bini’aadanimo sii adkaynaysa.

Koox baarayaal ah oo Q,M ka tirsan ayaa sidoo kale sheegay in dhanka ay ciidamada dawlada ka maamulaan waqooyiga Itoobiya ku xayiranyihiin boqolaal gaadiid ah oo raashin macaawino ah sida kuwaasoo loo diiday inay dhanka kale u gudbaan.

Dawlada Itoobiya waa ay beenisay eeda kaga timid hay’adda samafalka Maraykanka.