AMISOM oo guddi u saartay dadkii lagu laayay Sh/hoose

3

Howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka hadlay dhacdadii ciidamadooda ay ku dileen 7 ruux oo shacab ah oo ku sugnaa Tuulada Golwayn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Bayaan ka soo baxay AMISOM ayaa sheegay ‘in
baaritaanno horudhac ah oo ay sameeyeen lagu ogaaday in toddobada qof ee la dilay aysan ka tirsanayn Al-Shabaab’ .

AMISOM ayaa sheegtay in ay billaabeen baaritaan deg deg ah, kaasi oo loo saaray guddi ka kooban toddoba xubnood.

“Si loo baaro dhacdadan halista ah loona soo jeediyo tallaabooyinka xiga, AMISOM waxay sameysay Guddi Baaritaan oo ka kooban toddoba xubnood, kuwaasoo isla markiiba bilaabay shaqadooda. Guddigu wuxuu ku talin doonaa in magdhaw la siiyo qoysaska ay dhibaatadu saameysey haddii ay dhacdo in askarta AMISOM lagu helo dambi ayna soo jeediyaan talooyin si looga fogaado inay soo laabtaan” ayaa lagu yiri Bayaanka.

“Hawlgalku wuxuu si toos ah ula shaqeynayaa DFS iyo qoysaska ay dhibaatadu saameysey wuxuuna ballan qaaday ballanqaad baaritaan degdeg ah oo hufan, kaas oo la soo gabagabeyn doono 6da Sebtember, 2021” ayaa lagu yiri Bayaanka