Maxaa looga hadlayaa shirka berri ee Madaxda Soomaalida?

5

Waxaa la filayaa maalinta berri in uu shir uga furmo Teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda dowlad-gobolleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashada.

Shirka ayaana ku soo aadaya xilli xubnaha guddiga doorashada heer Federaal ay ku kala qeyb-sameen shaacinta habraaca doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.

Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland oo ka maqan Muqdisho ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay soo gaaraan,  si ay uga qeyb-galaan shirka berri.