Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray Muqdisho

6

Madaxweynaha Dowlad-gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho si uga qaybgalo Shirka Golaha Wadashiga Qaranka oo uu isugu yeeray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xildhibaanno, Senataro iyo Shaqsiyaad kale ayaa ka qaybgalay soo dhaweynta Axmed Madoobe.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa diyaar garowga doorashooyinka Golaha Shacabka, habraacyada doorashooyinka, raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashada.

Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, iyada oo saacadaha soo socda la filayo in soo gaaro Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni.