K/galbeed iyo Al-shabaab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay Sh.Hoose

4

Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay dagaalameyaasha Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanada Sabiib Canaale oo dhinaca Koonfur kaga beegan degmada Afgooye gobolka Shabeellada Hoose.

Guddoomiyaha deegaanka Sabiib Canoole, Maxamed Abuukar oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in iska-difaaceen raggii soo weeraray isla markaasna ay khasaare gaarsiiyeen.

Sidoo kale guddoomiya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen saddex dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Dhinaca kale, war ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ay dagaal kula wareegeen deegaanka Sabiib Canoole.

Al-Shabaab ayaa dhowr mar weeraro kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ku qaaday Saldhiga Ciidamada xoogga ay ku leeyihiin deegaanka Sabiib&Caanoole ee gobolka shabeellada Hoose