Erdogan oo farriin kulul oo la xiriirta Afghanistan u direy dalalka Yurub

5

Madaxweynaha Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan oo shir guddoominayey kulanka golihiisa wasiirada, ayaa farriin cusub hawada u mariyey waddamada Yurub, si ay u qaadan mas’uuliyadda muhaajiriinta ka imanaya Afghanistan.

Waxa uu sheegay in Turkiga uusan noqon doonin wax uu ugu yeeray “qaybta kaydinta muhaajiriinta ee Yurub”, xilli uu dalkaas ka jiro qalaalase kaddib qabsashadii kooxda Taalibaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Yurub looga baahan yahay inay qaadato mas’uuliyadda dadka reer Afgaanistaan ee ka cararaya dhibaatada waddankooda, isagoo intaas ku daray in Ankara ay tallaabooyin ka qaaday xudduudaha ay la leedahay Iran, oo xiligan marin muhiim u ah muhaajiriinta Afghanistan ee soo gala Turkiga.

Tan iyo markii Taalibaan ay soo gashay magaalada caasimadda ah ee Kabul, muuqaallo fowdo ah ayaa soo ifbaxayey, iyadoo kumanaan reer Afghanistan ah ay doonayaan inay ka baxaan dalkooda, iyagoo ka baqaya in Taalibaan ay ku soo rogto xukun la mid ah midkii 20 sano kahor.