Antonio Guterres oo cadaab ku tilmaamay colaada ka jirta gobolka Tigray.

4

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa mar kale ku baaqay in xabad-joojin deg deg ah laga dhaqan geliyo gobolka Tigreeda ee woqooyiga dalka Itoobiya, halkaasi oo ciidamada dowladda iyo fallaagada gooni-u-goosadka Tigreeda ay ku dagaallamayeen tan iyo bishii Nofeembar ee sanadkii hore.

Antonio Guterres ayaa xaaladda ka jirta gobolkaasi Tigreeda ku tilmaamay “cadaab”, wuxuuna sheegay in hay’adaha samafalku ay u baahan yihiin in shuruud la’aan loo ogolaado in ay gobolkaasi ka hawlgalaan.

Waxa uu cambaareeyay tacaddiyada dhanka galmada ah ee loo geysto dumarka gobolkaasi.

Guterres oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada New York, ayaa sheegay in awood milatari aan marnaba lagu xallin karin colaadda gobolkaasi ee ku fidday gobollada deriska ah.

Malaayiin qof ayaa colaadda dalkaasi ku barakacay, halka boqolaal kun oo kale ay wajahayaan macalluum.

Hadalka Guterres ayaa ku soo beegmayo maalmo uun kaddib markii hay’adda xaquuqul insaanka ee Amnesty International ay militariga dalka Itoobiya iyo xulafadooda ku eedeysay “kufsi aad u baahsan oo dumar loogu geystay gobolka Tigray.”

Amnesty International waxay sheegtay in ciidamada dowladda ay “arrintaasi ka dhigteen xeelad cusub oo ay u adeegsadaan dagaalka”.

Xigasho:-BBC