Madaxweynaha Koofur galbeed oo soo gaaray Muqdisho

2

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah ka qeybgalka Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu wado in dhowaan ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo aadan ay Muqdisho soo gaaraan dhammaan madaxda dowlad goboleedyada.