Bam laga helay meel u dhaw xarunta congress-ka Mareekanka.

7

Booliiska ayaa baaraya wax loo maleynayo bamba khatar ah oo qarxi karta, oo laga helay meel u dhaw xarunta baarlamaanka ee Capitol ee magaalada Washington DC.

Booliiska Mareykanka ee Capitol, ayaa sheegay in hadda ay la xaajoonayaan darawalka baabuurka walxaha laga shakisan yahay ee qarxa wada, kaasoo joogga meel u dhaw Congress-ka, marka loo gooyo jidka dhanka Capitol-ka iyo Maxkamadda Sare.

Ujeedada darawalka wali lama ogga, sida ay booliisku sheegeen.

Dhismayaal dhawr ah ayaa laga daad gureeyey dadkii ku jirey, ha yeeshee shaqaalaha qaarkood ayaa wali kasii hawl galaya xarunta baarlamaanka ee Capitol-ka.