Yuusuf Dabageed oo booqday goobaha loogu talagalay doorashooyinka ee Beledweyne

15

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Hirshabelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf ayaa maanta Booqday meelaha Loogu Talo galay doorashooyinka ee Magaalada Beledweyne xili ay ka socdaan dib u hebeyn dhismo iyo qalabeyn maadaama la qorsheynayo doorashooyinka dhowaanka la filayo in dalka ay ka dhacaan.

Madaxweyne ku xigeenka Goobaha uu booqday waxaa ka mid ah hoolalka loogu talo galay in lagu qabto doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka hoose, xarunta Guddiga Doorashada ay degayaan, guryaha loogu talo galay ergada iyo hoolaha Shirarka.

Madaxweyna ku Xigeenka Dowladda Hirshabelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar Yuusuf Dabageed oo maalin ka hor gaaray Magaalada Beledweyne ayaa kulamo ka wada magaalada Beledweyne, kulamadaasi oo uu la yeelanayo Saraakiisha ammaanka, iyo qeybaha kale duwan ee bulshada gobolka, waxaana kulamadaasi looga hadlayay xoojinta Iyo xaqiijinta ammaanka Doorashooyinka lana adkeeyo amaanka Magaalada Beledweyne.