Madaafiic lagu weeraray garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.

11

Faafaahino ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic oo dagaalamayaal katirsan Alshabaab ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha shaati gaduud ee magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku dhaceen xaafadaha ka agdhaw garoonka oo ay dadka rayid ah degan yihiin.

Goob joogaal ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamada AMISOM ee ku sugan garoonka ay dhankooda mafaaiic ku jawaabeen, inkastoo weli aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay weerarka madaafiicda ah ee lays weedaarsaday.

Magaalada Baydahabo ayaa maalmihii lasoo dhaafay marti galisay doorashada xubnaha Aqalka Sare ee maamulka koofur galbeed ku matalaya BFS.