Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Hay’adda UNHCR Kala Hadlay Arrimo Muhiim Ah

5

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta qaabilay wakiilka hay’adda Qoxootiga Adduunka UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisee.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Magatte Guisee ayaa waxaa looga wada hadlay arrimo kala duwan oo kamid yihiin caawinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee dibadda ka soo laabanaya ee imaanaya gudaha dalka.

Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga arrinsaday sidii xal waara loogu heli lahaa dadka dalka gudihiisa ku barakacay iyo caawinta qoxootiga shisheeye ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa hay’adda Qoxootiga Adduunka UNHCR uga mahadceliyay taageerada kala duwan oo ay siiso dowladda Federaalka.