Afganistaan Oo Xaqiijisay In Kooxda Daalibaan Ay Gudaha U Galeen Kaabul

4

Dagaalamayaasha Daalibaan ayaa waxay afarta jiho ka galeen magaalladda Kabul, sida ay sheegeen Ilo-wreedyo kala duwan.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi waxay sheegtay inay Daalibaan bilaabeen inay ku soo qulqulaan Kaabul.

Hoggaamiye ka tirsan Daalibaan oo ku sugan Caasimadda dalka Qatar ee Doha ayaa sheegay  inay Dagaalamayaashooda amar ku siiyeen inay Waddo Amaan u furan dadka doonayaan inay isaga soo baxaan magaalladda Kabul iyo inaysan dagaal qaadi Karin.

Hadal-qoraal oo ay Kooxda Daalibaan si Online u soo saareen  ayaa lagu sheegay inay Ciidadnkooda ku amreen inaysan ka gudbi Karin Albaabadda laga galo Kabul iyo inaysan weerarin.

Daalibaan waxay sheegeen inay socdaan Wada-xaajoodka in Xilliga Kala-guurka si nabad ah ku dhamaado iyo in la badbaadiyo Nolosha dadka Reer Kabul iyo Hantidooda.

Qoraal kale oo ay Daalibaan soo saartay waxay ku sheegeen inay ballan qaadayaan inaan lagu xad-gudbi doonin Hantida iyo Lacagaha Bangiyada, Ganacsatada iyo Hay’adaha  kale.