Qoorqoor Oo Dhaliilay Dad Wax Ka Sheegay Doorashadii Aqalka Sare Ee Galmudug

10

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa ka hadlay doorashadii Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee maalmo kahor ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa u hambalyeeyay Senatorada Aqalka Sare ee kusoo baxay doorashadii Galmudug, isla markaana waxaa uu sheegay in doorashada dhacday ay aheyd mid dadban oo horey loogu heshiiyay.

Waxaa uu dhaliil u jeediyay dadka siyaasiyiinta ee wax ka sheegay qaabka loo xulay doorashada, isagoona Carabka ku dhuftay in dalka uu galay doorashado dadban oo lagu heshiiyay, wuxuuna xusay in loo socdo doorasho qof iyo Cod ah.

“Haddii aadan kursi ka helin adiga ama mid aad rabtay kursi helin in xumaan dhacday mahnaheedu maahan ee aan hore u socono, adeer qof kasta oo Soomaali ah oo soo baxa hadaa tahay Musharax Cod bari, Cod warso” ayuu yiri Madaxweyne Qoorqoor oo ka hadlaayay doorashadii Aqalka Sare.

Halkaan ayuu ka sheegay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor Munaasabad uu ka qeyb galay oo ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb, taasi oo agu xusayay sanadguurada 15aad ee dowlad Goboleedka Galmudug.