Madarasada khadiija bintu khuweylid ee Baardheere oo Abaal marino gudoonsiisey Ardeyda wax ka barata Madarasada.

10

Xaflad si heer ah loo soo agaasimey,islamarkaana ay ka soo qayb galeen Boqolaal dadweyne ah oo ay ku jiraan,Odoyaasha ,Waxgaradka iyo Waalidiinta Ardeyda wax ka barata Madarasada ayaa lagu qabtey Xarunta Madarasada ee degmada Baardheere.

Madarasada khadiija bintu khuweylid ayaa la aas aasey horaantii sanadkii hore,waxaana aas aaskeeda lahaa,Sheikh Maxamed Gaboobe Cabdi oo kaashanaya dad soomaaliyerd oo muxsiniin ah,ilaa iyo hadda Madarasada waxa wax ka barta ardey gaareyso ilaa 85 ardey oo isugu jira wiilal iyo Gabdho.

Sheekh Cali Sheekh Idiris oo ah Maamulaha Madarasada oo ka hadlayey Xaflada loo Qabtey Ardeyda ayaa sheegay ujeedada Madarasada loo dhisey inay tahay
Barashada Quraanka kariimka, culuumta asaasiga ee diinta islaamka,isagoona sheegay Xafladan in loo qabtey Ardeyda kaalimaha fiican gashey sidii ay u abaal marin lahaayeen.

Ardeyda ayuu sheegay in ay ku tartamayeen Tafsiirka quraanka,Siirada Nebiga (CSW) Axaadiista,Naxwaha iyo Mustalax Al xadiis,Ardeydii kaalimaha hore galey ayaa la siiyey Abaal marino kale duwan.

Sidoo kale Ardeyda waxka barata Madarasada ayaa waxay soo bandhigeen Daruustii kala duwaneyda ee ay ku tartameen Mudadii ay waxbaranayeen iyagoo cadeeyey inay dareemayaan Horomar dhanka Barashada Diinta Islaamka,waxayna u mahad celiyeen Macalamiinta iyo Waalidiintooda.

Qaar ka mid ah Waxgaradka degmada iyo Waalidiinta Ardeyda oo ka Hadley Munaasabada ayaa waxay ka warbixiyeen sida ay ugu faraxsan yahiin Mudadii ay waxbaranayeen Caruurtooda Quraamka kariimka iyo Culuunta aas aasiga ee diinta Islaamka.

Axmed Cumar Saalixi
Baardheere.Gedo