Galmudug Oo Ka Jawaabeysa Dalabyo Uga Yimid Maamulada Degaano

1

Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa Kormeer ku soo maray ilaa Shan deegaan oo dhaca jihada galbeed ee Caasimada, kormeerka ayaa la xiriiray sidii bulshada loogu baraarujin lahaa ka qayb qaadashada dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Odayaasha deegaanada, Balicad, Kax, tuur-libaax, Qanboob iyo Yucub Bohole ayaa maayarka kala hadley baahiyaha u gaarka ah deegaan walba ayaa balan qaaday in ay Ka qayb qaadanayaan xoojinta amniga.

Guddoomiyaha Deegaanka Balicad, Liibaan Axmed Dhoore oo si gaar ah u xusey caqabada ugu weyn ee bulshada heysta, ayaa sheegay in deegaanadaasi laga qaadey Ciidamo ka tirsan Booliiska oo ka howlgali jiray isla markaana ay codsi u yihiin in ay helaan cid kala shaqeysa amaanka deegaanka.

Xildhibaan Qadar Juun Barre oo kormeerkan qayb ka ahaa ayaa bulshada deegaanadan udiray fariin la xiriirta in ay gacan ku siiyaan amaanka Ciidamada kusugan furimaha hore iyo kuwa ku howlan illaalinta amaanka wadooyinka halbowlaha ah.

Ugu dambeyn maayarka Degmada Dhuusamareeb Macalin Cabdiraxmaan Geedaqoroow oo ka jawaabaya dalabka dadwaynaha uu la Kulmey ayaa balan qaadey in maamulku fullinayo Mas’uuliyada amaanka ee shacabkan, taas badalkeedana ay muhiim tahay in bulshadu taageerto Geesiyada ku howlan amaankooda har iyo habeenba.