Deni Oo Guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Puntland

2

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo looga hadlay todobaadkan Amniga, Caabuqa Covid-19, xaaladda Gobollada iyo Doorashooyinka iyo Siyaasadda Biyaha Puntland.

Kulanka Golaha Wasiirada oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale looga hadlay Ciyaaraha Gobollada Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyay in Ciyaaraha Gobolada Puntland ay siweyn u xoojiyeen isdhexgalka bulshada, dhiirigelinta dhallinyarada iyo ka qeyb qaadashada horumarka Puntland.

Madaxweynaha ayaa faray Masuuliyiinta ay khuseyso iyo dhammaan Hay’addaha Dowladda in loo baahanyahay masuuliyad dheeri ah oo la iska saaro sidii Ciyaaruhu si qurux badan ugusoo dhammaan lahaayeen, lagana wada qeyb qaato oo lala shaqeeyo Wasaaradda iyo guddiyada la shaqeynaya.