RW Rooble oo ka hadlay doorashadii maanta ka dhacday Garoowe

8

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa boggaadiyay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Garoowe ee lagu doortay xildhibaanada Puntland ku metalaya Aqalka sare.

Qoraal Ra’iisul wasaaraha soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxaa uu ugu hambalyeeyay xildhibaanada cusub ee ka mid noqday Aqalka Sare.

“Waxaaan madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Shacabka Puntland ugu hambalyeynayaa bilaabista doorashada kuraastii ugu horreeyay ee Aqalka sare. Waxaan kaloo hambalyo leeyahay xildhibaannada soo baxay, anigoo rajeynaya in howsha harsani ay si xasilloon ku soo idlaato” ayuu yiri RW Rooble

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha ayaa boggaadiyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo soo gudbiyay liiskii u horreeyay ee murashaxiinta Golaha Aqalka Sare ee BFS.

Eng.Rooble ayaa Dhammaan Dowlad-goboleedyada ugu baaqay in ay dedejiyaan howsha doorashada maadaama waqtigu is gurayo, si loogu dul shaqeeyo jadwalkii lagu heshiiyay.