Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Gaaray Magaalada Nairobi

6

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugnaa magaalada Mombasa ayaa Maanta gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi ayaa waxaa uu booqasho ku tegi doonaa Xarunta Safaaradda dowladda Federaalka ay ku leedahay Magaaladaas, isagoo la kulmaya Safiir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa shalay Magaalada Mombasa waxaa ay wadahadal laba-geesood ah kula yeesheen Madaxweyne Uhuru kenyatta iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan dalka Kenya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dhawr arrimood oo istiraatiiji ah oo danaha guud ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ugu muhiimsanaa soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa adkeeyey in arrinta muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya arrin aysan haba yaraatee wax wadahadal ah ka geli Karin, isla markaana lagu xallin doono go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay socdaal ku gaaray magaalada Mombasa, kadib markii uu Casuumaad ka helay Madaxweyne Uhuru kenyatta, waxaana safarka ku wehlinaya xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada.