Nin ingiriiska u dhashay oo la qabtay isaga oo u basaasaya Ruushka.

11

Dacwad oogeyaasha federaalka ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in ay xireen nin British ah oo ka shaqeynayay safaaradda Britain ee magaalada Berlin, isagoo loo heysto tuhun la xiriira inuu u basaasayay Ruushka.

Ninkan – oo magaciisa ay kusoo gaabiyeen David S – ayaa la sheegay in ugu yaraan hal mar warqado ay ku qoran tahay xog u gudbiyay qof ka mid ah sirdoonka Ruushka, kaddibna uu lacag ka qaatay.

Waxaa Talaadadii lagu xiray magaalada Potsdam, maanta ayaana la filayaa in la horgeeyo garsooraha baaraya kiiskiisa.

Waxaa baaritaan lagu sameeyay gurigiisa iyo goobta uu ka shaqeeyo.

Arrintan waxay daba socotaa baaritaanno ay si wadajir ah u wadaan booliska Jarmalka iyo Britain.

Taliska booliska Britain ayaa xaqiijiyay xarigga ninkaas, waxayna intaas ku dareen in uu yahay 57 jir.