Galmudug oo billaawday diiwaan-gelinta musharixiinta Aqalka Sare

11

Waxaa magaalada Dhuusamareeb maanta ka billaawday diiwaan-gelinta musharixiinta u tartameysa Aqalka sare ee baarlamaanka 11-aad.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Galmudug Maxamed Daahir Guuleed, ayaa maanta shahaadada musharaxnimada guddoonsiiyey qaar ka mid ah musharaxiinta u tartamaya qabashada qaar kamid ah kuraasta golaha Aqalka Sare ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

Maalinta berri ayaa lagu wadaa in magaalada Dhuusamareeb ay ka billaabato doorashada xubnaha Galmudug ku metalaya Aqalka sare, taasi oo ay coddeyn doonaan Xildhibaanada Dowlad gobaleedka Galmudug.