Baarlamaanka Galmudug Oo Soo Saaray Habraaca Doorashada Aqalka Sare

4

Guddiga qabashada Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaamka Galmudug ayaa kulan ay yeesheen kadib soo saaray Habraaca Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug.

Habraacyada lasoo saaray ayaa ka kooban dhowr qodob, waxaana ku jira in Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay xubinta Aqalka Sare u dooranayaan Musharaxa ku guuleysta 3/2 tirada guud ee Xildhibaanada Galmudug.

Sidoo kale qodobada ayaa waxaa kamid ah in hadii Musharax kamid ah Musharaxiinta Aqalka Sare uu tanaasulo, Musharaxa soo baxa ayaa loo codeynaa, isla markaana waxaa uu Codka kalsoonida ku helayaa 50+1 Cod tirada guud ee Baarlamaanka.

Ugu dambeyn Habraaca Doorashada Aqalka sare ayaa waxaa lagu xusay Musharaxii waaya kalsoonida Baarlamaanka Galmudug in dib loogu celin doono Madaxweynaha Galmudug, waana qodobka ugu adeg Habraaca Doorashada.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waaberigii hore ee soo saaray Lix kamid ah Musharaxiinta Aqalka Sare ee Galmudug, waxaana doorashada lagu wadaa inay dhacdo maalinta berri oo Khamiis ah.