Qalalaasaha Tigray: Shan arrimood oo uu ka hadlay hoggaamiyaha TPLF.

5

Hoggaamiyaha TPLF, Debretsion Gabremikael, ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan dowladda dhexe ee Itoobiya iyo xulafadooda “ay sii wadayaan ilaa ay gaaraan hadafkii ay dagaalka u billaabeen.”

Debretsion oo la hadlay warbaahinta Tigray Media oo afka fallaagada ku hadasha, wuxuu si faahfaahsan uga ka hadlay xaaladda dagaalka ka socda deegaanka Tigray ee tan iyo dhammaadkii sannadkii hore soo socday.

Debretsion wuxuu sheegay in dagaalka dowladda dhexe ay kula jiran “ay kaga guuleysteen” deegaanka Tigrayga, intiis badanna “ay ka xoreeyeen” waxa uu ugu yeeray cadawga deegaanka Tigraay weerarka qaawan ku soo qaaday.

Wuxuu qirtay in malleeshiyaadka TPLF ay qabsadeen qayba ka mid ah deegaannada Amxaarada iyo Canfarta.

 1 Aaya ka tashiga shacabka Tigray

Hoggaamiyaha TPLF wuxuu sheegay in dagaalka ay bilooyinka kula jireen dowladda Itoobiya iyo xulafadooda ee Eritrea, inay ugu dhigeen “casharro lama illaawaan ah”.

Isagoo faanaya wuxuu sheegay in “aysan mar dambe u soo hanqal taagi doonin inay guumeystaan ama sandulleeyaan shacabka Tigray.”

“Dagaalka waxaan u qaadnay seddex arrimood oo kala ah; kow inaan cadowga soo weeraray Tigray aan jabinno, laba in aan talada deegaanka Tigray aan ku soo celinno maamulki ay shacabka deegaankaas codkooda ku doorteen iyo tan seddexaad oo ah inuu shacabka Tigray aayahiisa uu ka tashto,” ayuu yiri.

“Hadafki koobaad iyo kan labaad waan ku guuleysannay marka laga reebo arrimo kooban oo inoo harsan oo aan dhawaan dhammeystireyno.”

“Balse qodobka seddexaad ee ugu muhiimsan hadda lagama hadlayo maadaama aan dagaal ku jirno. Dagaalka ka dib ayaan tan seddexaad hirgelinteeda guda galeynaa,” ayuu yiri Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebresillase.

“Dagaalkii cadawga isu kaaya baheystay aan kula jirnay ee deegaanka Tigray wuu ka gudbay oo hadda, waxaan mareynaa in aan qaybaha ugu badan deegaanka Tigray dhul badan oo deegaannada Amxaarada iyo Canfarta ka mid ah aan qabsanno”.

Debretsion waxaa kale uu sheegay in dagaalka marka uu soo dhammaado ay wax weliba kala caddaanayaan, go’aanka ugu dambeeyna ee mustaqbalka deegaanka Tigray ay iyagu go’aamin doonaan.”

  1. Shacabka Tigray oo dhan waa ciidan

Debretsion wuxuu ku faanay in dowladda dhexe ee Itoobiya iyo waxa uu ugu yeeray “cadowga”, aysan aqoon durugsan u lahayn shacabka Tigray iyo xorriyaddiisa inuu cidna u daba fadhiisaneyn.

“Shacabka deegaanka ku nool oo dhan waa ciidan aan u baahneen tababar maadaama ay u dagaallamayaan xorriyaddooda iyo madax bananaidooda, waxayna u shahiidayaan sidi ay hadafka ay leeyihiin ay u gaari lahaayeen”, ayuu yiri.

Balse deegaanka Tigray waxaa ka qaxay dad aad u badan oo qaarkoodna ay ku jiraan xeryo barakac oo ku yaalla gudaha gobolka, halka kuwana ay u baxsadeen dhanka Sudan oo xeryo qaxooti looga furay.

Balse hoggaamiyaha TPLF wuxuu sheegay in dagaalka “sida uu ku billaawday iyo degdegga ay ciidmada dowladda iyo xulafadooda ay ku qabsadeen deegaanka ay u maleynayeen in dagaalka uu sidaa ku gabagaboobay oo TPLF-na sidaa looga guuleystay balse xaalku uu sidaa ka beddelnaa.”

Wuxuu ku faanay in ay jebiyeen “Ciidamadi qaranka Itoobiya ee aadka u hubeysnaa”.

“Muddo gaaban ayay deegaanka Tigray intiisa badan kaga carareen. Ma aha mid iska timid balse wuxuu ku yimid dagaalka faraha looga gubtay oo shacabka Tigraay aysan u kala harin”, ayuu yiri Debretsion Gebre Mikael.

  1. Maleeshiyaad nagama guuleysan karaan

Wuxuu dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ku eedeeyay in ay “soo abaabushay malleeshiyaad la dagaallama TPLF”. Wuxuu tilmaamay in arrintaas aan looga adkaan karin.

“Ciidamada qalabka siday ee dalka ayaa hadafka aan u dagaallameyno hor istaagi waayey, marka malleeshiyaad maalmo tababarro degdeg ah la siiyey oo qowmiyad naceyb lagu soo kiciyey, kama guleysan karaan ciidamadayada haysta tababar iyo hub ku filan oo ay codawgooda kula xisaabtamaan,” ayuu yiri.

Wuxuu ku goodiyay: “Waxaan u sheegi lahaa maleeshiyaadka iyo shacabka ay xukumadda Abiy soo khaldeyso inay naftooda badbaadsadaan oo aysan is halligin. Haddii Talooyiinka aan u soo jeedineyno ay qaadan waayaan, haddaba ciidamadeena waxay diyaar u yihiin inay ka hor tagaan cid kasta oo dagaal nala gasha”.

  1. Xalka nabadeed

Debretsion wuxuu ku andacooday in ay ka hortagayaan dagaal kulul oo uu ku tirmaamay “ka hortagga isir sifeyn”, haddana in iyaga ay marweliba nabad doonayaan, ayna aaminsaneen in wax weliba lagu dhammeyn karo si nabad ah.

“Waxaan dowladda u soo bandhignay shuruudo dhowr ah oo aan xukumadda Abiy ugu sheegnay in haddii ay dhab ka tahay oo ay doonayaan in dagaalka ay joojiyaan ama xabbad joojinta halka dhinac ah ay sheegeen inay dhab ka tahay, waa in ay fuliyaan 7 shuruudood oo aan markii hore soo gudbinay, ka dibna aan 6 shuruudood ku soo koobnay,” ayuu yiri.

“Wadahadal nabadeed iyo in dagaalka la joojiya haddii la doonayo waa in marka hore la billaabaa adeegyada aasaasiga ah oo aan wax xiriir ah la lahayn in la sii daayo adeegyadaas oo ay ka mid yihiin Isgaarsiinta, Bangiyada, iyo isu socodka gaadiddka.”

Wadahadal nabadeed kasta oo ay labada dhinac yeelanayaan waa inuu ahaadaa mid aan qarsoodi ahayn oo dunida oo dhanna ay arkeyso.”

“Runtii nabad miyey rabaan? Wadahadal miyey rabaan? Haddey rabaan si cad ha u sheegaan, haddey rabinna oo dagaal ay rabaanna, annagana dagaalka waan sii wadeynaa, haddii dagaalka uu sii socdana iyaga ayaa cagta la marinayaa”, ayuu ugu hanjabay dhinaca iyaga ka soo horjeeda.

  1. Guddi caalami ah oo loo saaro dambiyada dagaal ee dhacay

Gaboodfallada ka dhacay deegaanka Tigray, inti uu socday dagaalka u dhexeeyey TPLF iyo Ciidamada dowladda dhexe ee garabsanaya kuwa Eritrea, waxay ahaayeen wax lala yaabo.

Hay’ado caalami ah ayaa labada dhinacba ku eedeeyay in dembiyo ay geysteen. Ciidamada Eritrea ayaa lagu eedeeyay in ay weerarro la eegteen dadka Tigrayga ah iyo kuwii horey uga soo qaxay Eritrea ee qaxootiga ku ahaa gobolkaas.

Hoggaamiyaha TPLF wuxuu sheegay: “Anigu waxaan isleeyahay tacaddiyada ka dhacay deegaanka Tigray, inti aan noolaa, horey uma arkin. Anigu ma aqaanno wax la mid ah ama wax ka sii xun iney waddamakala ka dhaceen.”

“Marka dhibka dhacay ciddi ka dambeysay waa in wax laga weydiiyaa,” ayuu yiri.

“Waa in loo saaraa guddi caalami ah oo baara dambiyada dagaal ee deegaanka Tigray ka dhacay,” ayuu ku adkeystay hoggaamiyaha TPLF.

“Annagu wixii dhacay waan diiwaan gelineynaa. Hay’adaha garsoorka ee aan leennahayna dhankooda kaalintooda ayey ka qaadaayaan, balse waa in cidwalba oo dhibkaas ka dambeysay ama geysatay caddaaladda la horkeeno si ay u noqoto mid ay wax ka bartaan jiilalka dambe”.

Dagaalka Tigray oo billaawday 4-tii bisha November, sannadkii 2020-ka oo socda in ka badan 8 bilood, ayaan weli soo afjarmin.

Dowladda Itoobiya aya bil ka hor ku dhawaaqday xabad-joojin hal dhinac ah, waxayna ciidamada ka saartay caasimadda gobolka Tigray ee Maqale iyo qayba badan oo deegaankaasi ka mid ah.

Dowladda Mareykankana waxay xoogagga TPLF ugu baaqday inay joojiyaan dagaalka ay dhul hor leh uga qabsaneyso deegaannada Amxaarada iyo Canfarta. Balse TPLF ayaan dhag u dhigin baaqa Mareykanka uu u soo jeediyey.

Isha:-BBC.