Ciidamo Dheeri Ah Oo La Geeyay Deegaanka Ceeldheere Ee Gobolka Galgaduud

0

Taliska qaybta 21-aad gaar ahaan guutada 15-aad ee Ciidanka Dhulka Xoogga dalka ayaa ciidamo dheeri ah geeyay deegaanka Ceeldheere iyo aagaga ku hareereysan kuwaa oo qayb ka qaadan doona sugida amaanka iyo xaqiijinta isku socodka gaadiidka adeegsada waddada isku xirta Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Howlgalada Ciidamadan iyo fadhiyadooda ayay kormeer wadajir ah ku soo mareen Taliyaha Guutada 15-aad Generaal Mascuud Maxamed Warsame, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Galmudug, Gaashaanle Dhexe Cabdulaahi Abuukar Xassan iyo saraakiil sare oo uu ka mid yahay Xeer ilaaliaha maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee qaybta Galmudug G/sare Cabdullaahi Maxamed Muuse keyse.

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Galmudug G/Dhexe Cabdullaahi Abuukar Xasan ayaa kula dardaarmay ciidanka in ay mas’uuliyad iska saaraan sugida amniga iyo fulinta amarada saraakiisha sarre.

Ceeldheere oo dhawaanahan ay ka howlgalayeen Ciidamada kala duwan ee qalabka sida ayaa haatan u muuqata mid xasilloonideedii dib usoo laabatey kadib markii ciidamadu dagaallo xooggan la galeen Al-Shabaab oo dhowr jeer isku dayay in ay weeraro ka geystaan nawaaxiga deegaankan.