Gudidda hirgelinta doorashooyinka gobolada Waqooyi oo doortay Guddoon

5

Doorashada Guddoonka Gudidda hirgelinta doorashada gobolada Waqooyi oo ka qabsoontay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, ayaa goor dhowed la soo gabo gabeeyey iyadoo ugu horeeyn Guddoomiyaha Gudidda cod gacan tag ah loogu doortay Khadar Xariir Xuseen, halka Guddoomiye ku-xgeenka gudiddana loo doortay Nagiib Xuseen Samaale.

Madasha lagu dooranaayay Gudoonka ayaa waxa kasoo qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane, Cumar Maxamuud Maxamed “ Cumar Filish” Taliyaha Ciidanka Booliska soomaaliyeed Jeneraal Xijaar, xubnaha gudidda doorashada Heer federal iyo warbaahinta qaybaheeeda kala duwan.