Xafiiska RW Rooble Oo Dalab U Diray Guddiga Doorashada Somaliland

19

Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa ka hadlay Jadwalkii ay Maanta shaaciyeen Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ee ku saabsan qabashada doorashada Guddoonka Guddiga doorashada Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Cabdixakiin Xasan Ashkar ayaa waxaa lagu adkeeyay in doorashada Guddoonka Guddiga Somaliland ay noqoto mid hufan laguna qabto waqtigeeda.

Sidoo kale Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa faray hay’addaha dowladda ee quseyso arrintaan inay kor joogteeyaan doorashada guddoonka Guddiga, isla markaana xusay in Beesha Caalamka ku faraxsan yihiin kor joogteeynta Guddiga.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa Iclaamiyey in doorashada Guddiga Somaliland ay dhici doonto maalinta Sabtida oo taariikhda ku beegan tahay 7-ka bishaan Ogoosto, ayna ka dhici doono Teendhada Afisyooni.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay shaaciyay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddiga ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka.