Shir looga hadlayay amniga Soomaaliya oo lagu qabtay Masar

12

Talyaha ciidamada Nabad ilaalinta Soomaaliya u jooga ee AMISOM, Gen. Diomede Ndegeya ayaa magaalada Qaahira ee dalka Masar kulan kula qaatay  Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Masar ee Afrika, Kaaliyadda Arrimaha dibadda ee Afrika & wakiilo kale.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda amni ee Soomaaliya, howlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyo qorashaha ciidamada Amisom ee ka bixitaanka Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay hadlay garabsiinta ciidamada xoogga dalka iyo arrimaha doorashooyin Soomaaliya.

Hamdi SANAD Loza Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee Afrika waxa uu taageeray dedaallada kala duwan ee AMISOM, howlaha geedi socodka Soomaaliya & in diiradda la saaro Mustaqbalka haddii uu soo gaba-gaboobo joojitaanka Askarta Afrikaanka ah.

Dhowaan ayay aheyd markii Magaalada Nairobi ay Shir ku yeesheen dalalka ciidamadooda ka mid yihiin ciidamada AMISOM, kaas oo looga hadlay qorshaha Mustaqbalka soo gabagabeynta howlgalka Ciidanka Afrikaanka ah ee jooga Soomaaliya tan 2007-dii, si Amniga dalka loogu wareejiyo Ciidanka Qaranka