Booliiska Uganda oo xiray Soomaali lala xiriiriyay falal sharci darro

13

Sida warinayaan warbaahinta dalka Uganda, booliiska degmada Moroto ayaa xiray dad soomaali ah kuwaasi oo ku eedeysan falal la xiriira Ka ganacsi sharci daro ah.

Booliiska ayaa xoog u galay  xaruun ay ku sugnaayeen raggan  oo ku taalla xuduuda Uganda iyo Kenya, taasi oo lagu keydin jiray raashinka dhacay.

Raggaan ayaa labada dal waa Kenya iyo Ugande u kala gudbin jiray raashinkaasi oo badan Sokor, taasi oo ka koobneyd boqalaal Kiish.

Booliska ayaa sidoo kale xiray milkiilaha xarunta oo magaciisa lagu sheegay Umar, oo ah muwaadin Soomaali ah oo ay wehliyaan ilaalo gaar ah oo isna asal ahaan Soomaali ah. waxay iyadoona lagu xiay saldhiga dhexe ee booliska Moroto inta laga helayo baaritaano dheeri ah.

Saraakiisha booliiska Uganda ayaana sheegay raggaan la horgeyn doono maxkamad si dambigooda loogu qaado.

Tillaabadaan booliiska qaadeen ayaa ku soo aadaysa, xilli xiisad ganacsi oo aad u kacsan u dhexeysa Uganda iyo Kenya taasoo salka ku heysa tayada cuntada.

Horaantii sanadkaan, Kenya waxay hakisay soo dajinta galleyda Ugandha iyadoo sabab uga dhigtay in ay dhacday oo aysan ku wanaagsaneyn cunida

Qaar badan oo ka mid ah beeraleyda galleyda iyo ganacsato reer Uganda ah ayaa qeylo dhaan ka muujiyay xayiraadaasi. Kenya ayaa xayiraada ka qaaday bilooyin kadib. Kenya ayaa sidoo kale markii dambe hakisay soo dejinta sonkorta laga soo dhoofiyo Uganda