Axmed Madoobe iyo Deni oo shir gaar ah ku leh Garoowe

14

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) ayaa la filayaa inuu gaaro magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Axmed Madoobe ayaa Garoowe u tagaya sidii uu halkaasi shirk u saabsan doorashooyinka Soomaaliya uu kula yeelan lahaa Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona ay socoto diyaar garow ku aadan munaasabada aas-aaska maamulka Puntland.

Maamulka Jubbaland ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay bilaaba qaabashada doorashada aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka qeyb gali doono munaasabada dabaal dega 1 Augosto oo ah markii la aas-aasay maamulka Puntland, iyadoona sidoo kale halkaasi ay tagi doonaan masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.