Xildhibaanno tiradooda ay tahay 40 oo ka tirsan labada gole ee baarlamaanka soomaaliya, sidookale kasoo jeeda gobolada waqooyi ee Soomaaliland ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay kaga hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka soomaaliya.
War-saxaafadeedkooda ayee mudanayaasha ku sheegeen in ay soo dhaweenayaan dadaalada iyo hannaanka uu wax u wado RW Rooble.
Sidookale waxaa ay tilmaameen in xildhibaanno ay jiraan, kuwaas oo carqalad ku wado hannaanka doorashooyinka, islamarkaana aysan doonayn in doorasho ee dalka ka dhacdo.