MW Hirshabeelle oo arrimaha doorashada kala hadlay safiirka Turkiga

4

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Danjire Mehmet Yılmaz.

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Ambassador Mehmet Yılmaz ayaa kulanka kaga hadlay Arimaha Amniga, Doorashooyinka, wax ka qabashada Fatahaadaha, Maalgashiga deegaannada Hirshabeelle iyo shaqo abuurka Dhallinyarada.

Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa uga mahadceliyay Safiirka Dowladda Turkiga dadaallada wax tarka leh ay la garab taaganyihiin dadka Soomaaliyeed.