Shir looga hadlay amniga doorashooyinka oo ka dhacay Galmudug.

22

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka galmudug Cali Daahir Ciid oo shir gudoomiyay shirka amniga doorashooyinka Galmudug ayaa looga hadlay sugida amniga doorashooyinka dhawan ka dhici doona Guud ahaan dalka gaar ahaan Galmudug.

Waxaana shirkaasi la qeyb galay saraakiisha kala duwan ee ciidamada amniga iyo kuwa amisom wasiiro ka tirsan xukuumada Galmudug iyo xubno ka mid ah gudiga doorashooyinka Heer Dowlad gobaleed iyo maamulka caasimada.

Taliyaha Boolis Galmudug Gen Khaliif ayaa Madaxweyne ku xigeenka ugu warbixiyay sida ay ugu diyaar garoobeen sugida Amniga Doorashoyinka Galmudug ka dhacaya gaar ahaan Caasimada Dhusamareeb iyo Magaalada Galkacyo.

Sidookale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid dhankiisa ayaa ku amanay Ciidamada Booliska iyo Nabadsugida Galmudug sida ay ugu diyaar garobeen Doorashada waxana u faray in la si labo jibaaro dadaalada logu diyaar garobayo Doorashada Galmudug.

“Sida aad wada ogtihiin Galmudug waxay ku jirta dagaal ka dhan ah Al shabaab waxan go,aansanay in Gacana aan Al shabaab ku suulino Gacana aan Doorasho ku galno” ayu yiri Madaxweyne kuxigeen Galmudug Mudane Cali Dahir Ciid.

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa qeyb ka ah kuwa aan wali soo gudbin Xubnaha Musharaxiinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo Jubbland ay maanta soo gudbisay Xubnaheeda u tartamaya aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.