R/Wasaare Rooble iyo wafdi hogaaminayo oo gaaray London.

15

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdigii uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada London ee dalka Ingiriiska,

Ra”iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa halkaasi ugu qeyb gali doona shirka caalamiga ah ee horumarinta waxbarashada, kass oo ay kasoo qeyb galayaan madax kale oo Afrikaan ah.

Kadib Shirka Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona qaar ka mid ah Madaxda shirkaasi kasoo qeyb gali doonta iyo bulshada soomaaliyeed ee halkaa ku nool.

Maxamed Xuseen Rooble R/Wasaaraha dalka Soomaaliya iyo wafdiga la socda ayaa shalay ka ambabaxay magaalada muqdisho, iyagoo maantana gaaray Caasimada dalka Ingiriiska ee London.