Dowladd deegaanka Soomaalida oo ka hadashay dagaalka ka socda Itoobiya

5

War-saxaafadeed ka soo baxay xukuumadda Islaamulka Soomaalida ee Ethiopia ayaa lagu sheegay in maamulka Cafarta ee dalka Ethiopia uu ka dambeeyey dil loo geystay dad ku noolaa deegaanka Garbo Ciise ee dalkaas.

Dadka la dilay oo aan la hayn tiradooda sax ah ayaa lagu sheegay inay gaarayaan dhowr boqol oo qof, sida uu sheegay maamulka Soomaalida.

Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Warfaafinta Dawlad-deegaanka Soomaalida Maxamed Rooble Maxamuud ayaa sheegay in dilalkaas ay geysteen Maamulka degaanka Canfarta, isla markaana ay wadaan baaritanka dadka la dilay iyo xaaladooda.

Waxaa uu sheegay in Soomaali farabadan ay u soo gurmadeen dadka la dilay, isla markaana dadka la dilay ay ahaayeen Shacab xoolo dhaqato ah.

Sidookale wararka waxaa ay intaa ku darayaan in colaadda labada deegaan ay salka ku hayso sheegashada dhul ku yaalo Deegaanka Garba Ciise, iyadoo la sheegay in xaaladda ay sii hurisay kadib markii Guddiga doorashooyinka dowladda Dhexe ee Itoobiya ay soo saartay go’aan ah in 8 tuulo oo xadka labada deegaan ku teedsan iney doorasha ka dhaceyn shacabka degganna ay codkooda ka dhiibtaan tuulooyinka u dhow oo ay gaari karaan.

Soomaalida iyo Canfarta ayaa marar badan ku dagaallamay deegaannada ay ku muransan yihiin sida Candhuufa, Cadheyti, Garba-ciise iyo tuulooyin kale oo ku yaalla soohdinta ay wadaagaan labada deegaan.

Go’aanka guddiga doorashooyinka ayaa waxaa si weyn uga biyo-diiday maamulka dowlad deegaanka Soomaalida iyaga oo qoray warqad ay ku sheegeen iney marnaba aqbaleyn dhul uu deegaanka Soomaalida leeyahay in deegaan kale la hoos geeyo.

Deegaanka Canfarta ayaa dhankoda waxay ku doodayaan in tuulooyinka 8-da ah uu guddiga doorashooyinka go’aanka ka gaaray la hoos geeyo dhankooda doorashada soo socotana ay uga dhacdo deegaankaasi.