Sargaal kamid ah saraakiisha booliiska Somaliland oo la dilay

19

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in koox hubeysan ay halkaasi maanta ku dileen talyihii booliiska degmada Gar-adag Eng Cabaas Maxamed Diriye.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in talyaha lagu dilay  tuullada God-heeli, xilli halkaasi ay ka wadeen waan waan ka xiriirta laba qabiil oo halkaasi ku dagaalamayay.

Talyaha ayaa ku baxay buuq ka taagnaa ceel biyood ku yaalla deegaanka Gol-heeli, kaasi oo u dhaxeeyay laba beel oo halkaasi wada degta.

Talyaha ayaa kamid ahaa saraakiisha dhalinyarada ee dhowaan loo magacaabay saldhigyada booliiska ee Soomaaliland, Mana cadda cida rasmiga ee ka dambeysa dilka talyaha.

Maamulka Somaliland ayaan weli ka hadlin dilka talyihii booliiska degmada Garadag ee gobolka Sanaag.