Dhibaato soo wajahday Soomaalidii ku hanti-beeshay rabshadihii K.Afrika

3

Rabshadii ka dhacay dalka koofur Afrika ayaa waxaa uu saameyn dhaqaale uu ku yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi, iyadoona haatan ay soo wajahday shaqo la’aan baahsan.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaalida ku nool Magaalooyinka dalka Koofur Afrika ayaa maanta waxaa ay cabasho u gudbeen dowladda koofur Afrika, iyagoona ka dalbaday in la siiyo dhaqaale, si ay dib ugu furtaan goobahooda ganacsiga.

Sidoo kale Soomaalida ayaa sheegay in malaayiin doolar ay ku waayeen rabshadihii ka dhacay dalka Koofur Afrika, islamarkaana haatan ay dhibaato ku haysta dalkaasi.

Rabshadihii ka dhacay dalka Koofur Afrika ayaa waxaa dil iyo dhaawac loogu geysatay Soomaalida ku nool dalkaasi, halka kuwa kalana  dhac iyo boob loo geystay  goobahooda ganacsiga.

Khalalaasaha oo markii hore ku bilowdayay mudaaharaadyo looga soo horjeedo xarigga Zuma, wuxuu markii dambe isu rogay rabshado iyo boob.

Ganacsatada soomaalida ee ku dhaqan Koofur Afrika waa kuwa ugu daran ee la dhiban weerarada ay geystaan kooxaha burcad  Koonfur Afrikaanka ah.

Waddanka Koonfur Afrika waxaa ka taagan xaaldo amaan darri ah kuwaas oo saameeyay dadka ku dhaqan gudaha waddankaas.

Dilalka iyo boobka loo gaysanayo goobaha ganacsiga ee ku yaalla dalkaas ayaa aad usii kordhay maalmihii ugu dambeeyay.

Dadka Soomaalida ayaa ahaa kuwa mar walba la beegsado xataa haddii jawiga wadanka uu daggan yahay waxaana rabshadahan ay horseedeen fursado waaweyn oo sahlaya boobka iyo dhibaateynta Soomaalida.

Soomaali badan ayaa ku nool dalka koonfur Afrika, kuwaas oo ku leh ganacsiyo fara badan.