Israa’iil oo doonaysa in ay dib ugu biirto Midowga Afrika.

4

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Israa’iil ay dib ugu biirayso Midowga Afrika iyadoo noqonaysa waddan kor jooge ah.

Tallaabadan ayaa sida uu qoray wargeys kasoo baxa Israa’iil waxay timid ku dhawaad 20 sano kaddib markii Israa’iil ay waysay xubinnimada ururkan wixii ka dambeeyay markii laga beddalay magaca ee la sameeyay Midowga Afrika.

Waxaa lagu soo warramay in safiirka u jooga Israa’iil magaalada Addis Ababa uu warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mousa Faki Mahamat, si uu xubin kormeere ah uga noqdo ururka. Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta AU ee caasimadda dalka Itoobiya.

Warbaahinta Israa’iil ayaa soo xigatay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yair Lapid oo sheegay, “Maanta waxay dabbaal-dag u tahay xiriirka Israa’iil iyo Afrika.”

Wuxuu intaas ku daray: “Horumarkan dhinaca diblomaasiyadda ah waa natiijada dadaalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda, laanteeda Afrika iyo safaaradaha Israa’iil ee qaaradda Afrika.”

Wuxuu sidoo kale yidhi: “Tani waxay saxaysaa khaladaadkii jiray ku dhawaad labaatan sano, waana qayb muhiim ah oo ka mid ah xoojinta xiriirka dhinaca dibadda ee Israa’iil.”

Lapid ayaa sheegay in Israa’iil ay hadda xiriir fiican la leedahay 46 waddan oo ka tirsan Qaaradda Afrika.

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa horayba door noocan oo kale ah ugu lahaa ururka Midowga Afrika.