Natiijada Imtixaanka dugsiga sare oo la shaaciyay.

70

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijad Imtixaankii shahaadiga ee Fasalka 12-aad Dugsiga Sare, kaas oo ay Aradayda u fadhiisteen 22-ka illaa 26-ka bisha May ee sanadkan.

Imtixaankii shahaadiga ee Fasalka 12-aad Dugsiga Sare ardada u fariisatay sanad dugsiyeedkaan 2020-2021 ayaa gaaraya 34,908 Ardey, kuwaas oo ku gala galay maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Sidoo kale Wasaaradda Waxbarashada ayaa shaacisay natiijada 10-ka arday ee ku guuleystay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare, kaasi oo ay sheegtay in ay ka qeyb galeen 34,908 Ardey.

Dhanka kale Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo tacliinta XFS Mudane Xildhibaan Cabdullahi Abuukar Xaaji ayaa sheegay in ay Wasaaradda Waxbarshadda masuuliyad iska saari doonto sidii loo hubin lahaay tayadda iskuuladda bixiya Waxbarshadda Dugsiga Sare sidoo kale wasiirku waxaa uu sheegay in laga bilaabo Sanadka 2021-2022 albaababadda la isagu dhufan doono iskuuladda bixiya fasalka 3aad iyo Fasalka 4aad ee Dugsiga Sare ee aanan laheyn Dugsi Sare oo rasmi ah sidoo kale Wasiir Cabdullahi Carab ayaa sheegay in sii wadan karaan iskuulada Hoose, Dhexe koorsooyinka lagu dhisayo dadka ay kala wayntahay da’adooda iyo waxbarshadooda.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashadda Mudane Maxamed Caabi Xasan oo ka hadlay goobta Imtixaanka lagu soo bandhigayay ayaa u mahad celiyay ardayda ka mira dhaliyay Da’daalkoodi kuwa kaalimaha hore galayna ee Dowladda Federaalka Somaaliya siin deeq Waxbarsho heer jaamacadeed, sidoo kale agaasimaha ayaa ku dhiiri geliyay ardayda aysan u suurta gelin in ay ka gudbaan imtixaanka in aysan niyad jebin wakhtigii dheeraa oo ay wax soo barteen eyan ugu harin hal sano oo ay Imtixaan ka gudbi waayeen.