Madaxweyneyaashii hore oo gaaray Degmada Cadale

21

Madaxweynayaashii hore ee dalka soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa safar dhulka ugu ambabaxay magaalada Muqdisho iyagoo gaaray degmada Cadale ee gobolka shabeelaha dhexe.

Labada madaxweyne markii ay gaareen Cadale waxaa soodhaweeyay mas;’uuliyiinta Maamulka degmada & qeybaha kala duwan ee Bulshada ee halkaa ku nool.

Ujeedka safarkooda Madaxweynayaashi hore ay ku tagayaan deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa la xiriira u kuur gelida xaalada deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe iyo kulamo ay la qaataan maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool degmada Cadale.

Waa markii ugu horeysay ee safarka dhulka ah ay ku tagaan Madaxweynayaashii hore soomaaliya islamarkaana ay si wadajir ah u booqdaan deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle.

Waxaana madaxdaani kaga horeesay deegaanka Cadale ee gobolka shabeelaha dhexe Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hoggaaminaayo, kuwaas oo halkaa u tagay indho indheen iyo xalinta beelo degan halkaasi oo tabasho qaba.