Kooxda Taliban oo lawareegtay magaalooyin hor leh oo kamid ah dalka Afghanistan.

14

Kooxda Taliban ayaa lasoo warinayaa in ay lawareegtay magaalooyin iyo degmooyin hor leh oo kamid ah dalka Afghnaistan, waqti lagu wado in dalkaasi ay iskaga baxaan ciidamada shisheeye.

Taliban ayaa lasheegay in ay haatan gacanta ku hayaan 419 degmo oo kamid ah degmooyinka uu ka kooban yahay wadanka Afghanistan, sidoo kale waxa ay maamulaan 17 gobol oo kmaid ah 34’ta gobol ee dalkaasi.

Ciidamada Maraykanka iyo kuwa Nato ayaa lagu wadaa in bisha September ee sanadkan ay iskaga baxaan dalka Afghanistan kadib 20 sano oo ay halkaasi ka wadeen dagaal guul dareestay.