Wafdi uu hogaaminayo MW Hir-shabeelle oo ku wajahan G.Sh.Dhexe

15

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle  Cali Cabdulahi Xuseen Guudlaawe wafdi uu hogaaminayo oo uu qeyb ka yahay Madaxweyne Kuxigeenka Yuusuf Dabageed ayaa malinta beri ah kusii jeeda Magaalada Cadale ee Gobolka shabeelaha dhaxe.

Sidookale wafuuda waxaa qeyb ka ah Musharaxiin madaxweyne horena usoo noqday Madaxweynayaal kuwaas oo kala ah Xasan sheekh Maxamuud, Sheikh Shariif Sheikh Ahmed, Xildhibaano iyo Wasiiro kaTirsan Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Ujeedka Wafdiga safarkooda ayaa lagu sheegay in ay Mashaariic kala duwan ka dhigax dhigi doonaan Magaalada Cadale ee Gobolka shabeelaha dhaxe.

Ciidamada amaanka ayaa wado dhaq dhaqaaqyo ku aadan howlgalo ay ka wadaan Magaalada Cadale iyo deegaanada hoosyimaada ee gobolka Shabeelada dhexe.