Diyaaradaha Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay G.Mudug

3

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay duqeyn ka fuliyeen deegaan ka tirsan Gobolkaasi.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa la sheegay in ay duqeyn la beegsadeen goob ay isku aroorsanayeen dagaalameyaasha Al-shabaab oo ku taala deegaanka Bacaadweyne ee gobolkaasi.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in duqeynta lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, inkastoo ilaa iyo hada la ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Al-Shabaab kama aysan hadlin duqeynta diyaaradaha mareykanka ay la eegteyn iyo khasaaraha soo gaaray dhankooda.