DFS oo ka hadashay duqeyn ka dhacday Mudug.

14

Diyaarado dagaal ayaa maanta duqeymo ka fuliyay deegaanka Qeycad oo u dhow magaalada Bacaadweyne ee gobolka Mudug, halkaas oo ay fadhiisin ku leeyihiin Ururka Alshabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay duqeynta, iyadoo sheegtay in lagu ”in lagu difaacayay ciidamada xoogga” ee dagaalada ka wada gobolka Mudug.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 20ka Luulyo 11-ka barqanimo ayay duqeyn lala beegsaday Al-Shabaab ka dhacday deegaannada Dawlad Goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, taasoo lagu difaacayey geesiyada Ciidanka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Deegaankan ay maanta duqeynta ka dhacday ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo dagaalameyaasha Al-Shabaab.