Soomaaliya iyo Qatar oo ka wadahadlay arrimaha amniga iyo iskaashiga labada dal.

5

Ra’iisul Wasaarayaasha Soomaaliyo iyo Qatar, Maxamed Xuseen Rooble iyo Sheikh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Taani ayaa xalay yeeshay wadahadal dhanka teleefoonka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ay ka wada hadleen xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo dhiggiisa Dalka Qatar Sheikh Khaalid Bin Khalifa Bin Cabdilcaziz Aala Taani, oo khadka telefoonka ku wada xiriiray ayaa ka wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee walaalaha ah” ayaa lagu qoraalka.

Dhanka kale warar hoose ayaa sheegaya in labada Ra’iisul Wasaare ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo ay Qatar doonayso in ay saameyn ku yeelato.

Dowladda Qatar ayaa doorashooyinkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ku la hayd saameyn badan oo ay kaga adkaatay dalal kale.