Haween kasoo jeeda Wadamada Somalia, Nigeria iyo Syria oo da’doodi u dhaxeyso 14 ilaa 50 jir, gacantana ugu jira kooxaha Magafayasha dalka Libiya ayaa lagu qasbaa jimaac xoog ah si ay u helaan Xuriyadoodi ama biyo Nadiif ah ay cabaan sida ay warbixin kusoo saartay Hay’adda Amnesty International.
Amnesty Haweenka ay wareysatay ayaa ah kuwa kasoo baxsaday goobihii lagu haayay kuwaasi oo qaar kood raadsaday telfoono ay kula xiriiraan Qoysaskoodi iyo kuwa horey usii galay Dalka Libiya, walina qorsheenaya inay kabaxaan ama ka tahriibaan wadankaasi si Yurub ay u gaaraan.
Dadkaan badankoodi ayaa ah kuwa Lixdii bilood ee Sanadkaan 2021 ugu horeeyay dib loogu soo celiyay xeebaha Libiya.