Maxay ka wadahadleen Cali Guudlaawe iyo Shiikh Shariif ?

4

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynihii hore ee dalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed kuwaas oo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo xaalada guud ee dalka.

Madaxweynaha Hirshabeele iyo madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale waxa ay kulankooda uga wada hadleen xaaladda Guud ee Hirshabelle, waxaana labada mas’uul diirada saareen sidii loo garab istaagi lahaa, taageerana loogu fidin lahaa dadka danta yar ee ku nool deegaanada Hirshabelle iyo in la xaqiijiyo Hirshabelle horumarsan iyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda deegaanada maamulkaas.

Kulankan ayaa waxa uu kusoo aadaya iyadoo dhawaan ay madaxda maamulada dalka iyo ra’iisulwasaare Rooble soo saareen jadwal doorasho oo cusub kadib markii ay shir ku yeesheen magaalada Muqdisho.